Jawaabihii Abiy ka hor jeediyay Baarlamaanka itoobiya


Raisulwasaare Abiy oo lahadlayay baarlamaanka itoobiya ayaa manta bixiyay jawaabahan  hoos ku qoran. Jawaabaha ayaa isugu jira war bixino iyo hanjabaado. Hadaba hoos ka akhriso 11 jawaabood oo uu bixiyay
1.       Abiy  hadaladiisu waxay ku qotomeen siyaasada, dhaqaalaha, arimaha bulshada iyo xidhiidhka caalamiga ah
2.       Raisulwasaare Abiy wuxuu ka digey isu dheeli tiraan la’aanta dhaqaalaha guud in ay abuuri karto fadhiidnimo
3.       Abiy wuxuu ka digey shaqala’aanta koraysa in ay khatar ku noqon doonto dhaqaalaha iyo xasilooni darada wadanka ee sanadaha soo socda
4.       Raisulwasaare Abiy: xoog aan isticmaalo ma xaqiijin doono nabad, deganaansho iyo kori taan dhaqaale. Ma aha in aan samayno wixii aan naqaanay ee waa in aan samaynaa waxa ay tahay in aan qabano
5.       Abiy wuxuu difaacay dastuurka waxaa kaloo uu bidhaamiyay in dastuurka isbadal lagu samayn doono
6.       Abiy ayaa ku tilmaamay arinta fadaraalisamku tahay shayga  isku haya itoobiya halka uu ku tilmaamay ka maraynkanka waxa isu keenay
7.       Abiy ayaa ku tilmaamay dib udejinta barakacayaasha guusha ugu weyn ee xukuumadiisu gaadhay 11kii bilood ee uu xilka hayay
8.       Abiy wuxuu amaanay shaqada wasaarada nabada. Wuxuuna sheegay in ay dib udejin u samaysay  1.2 malyan oo qof  oo barakacay intuu xilka hayay iyo in ka badan 1 malyan oo barakacay intuusa xilka qabanin ka hor
9.       Abiy wuxuu ku booriyay shacabka shucuubta koonfureed in ay dulqaad muujiyaan inta aftida laga qaadayo. Sidoo kale wuxuu raaciyay hanjabaad ah in talaabo aad u adag laga qaadi doono haday isku dayaan in ay kali good go’aan ka qaataan arinta aftida
10.   Abiy wuxuu ku hanjabay in talaabadii kililka soomaalida oo kale laga qaadi doono kililada kale ee sida sharci darada ah u dhaqmaya
11.   Abiy wuxuu ku hanjabay marka midnimada wadanku khatar gasho in ay dhigi doonaan qalinle qorigana qaadan doonaan
                                                                                                                        
Dhamaad

Wikisom News


Comments

Popular posts from this blog

Abdiadil Hassan the SRS head of security and justice bureau is a convicted criminal

Mohamud Abdulahi Isse (Singub) in obituary by Abdiaziz Alibuur